Madaxweynaha oo ku Bogaadiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka Ansixinta Xeerka Is-gaarsiinta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta anxisiyay Xeerka Is-gaarsiinta dalka.

Madaxweynaha oo booqday xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ayaa wareysi toos ah oo uu bixiyay ku sheegay ahmiyadda ay leedahay meel marinta xeerkan, isaga oo ugu baaqay mudanayaasha Aqalka Sare in ay dhankooda muddo kooban ku ansixiyaan xeerkan.

Sidoo kale, Madaxwaynuhu waxa uu warbixinno ka dhagaystay madaxda warbaahinta qaranka, gaar ahaan Agaasimyaasha Radio Muqdisho, Idaacadda Codka Ciidamada iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqda horumar fiican iyo in aad u adkaysateen duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen, oo laga yaabo dhaqaale xumo qalab la’aan iyo tababar la’aan in aad soo gaarsiiseen meeshaan, oo ah meel wax laga wadi karo. Waan idinku hambalyeynayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisa kusoo gaba-gabeeyey xarunta kaydka Radio Muqdisho halkaas uu dalacsiin hal darajo ah ku siiyay madaxa kaydka Raadiyaha Gaashaanle Dhexe Abshir Xaashi Cali oo gacanta kusoo hayey kaydka Raadiyaha tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...