Madaxweynaha oo ku Bogaadiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka Ansixinta Xeerka Is-gaarsiinta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta anxisiyay Xeerka Is-gaarsiinta dalka.

Madaxweynaha oo booqday xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ayaa wareysi toos ah oo uu bixiyay ku sheegay ahmiyadda ay leedahay meel marinta xeerkan, isaga oo ugu baaqay mudanayaasha Aqalka Sare in ay dhankooda muddo kooban ku ansixiyaan xeerkan.

Sidoo kale, Madaxwaynuhu waxa uu warbixinno ka dhagaystay madaxda warbaahinta qaranka, gaar ahaan Agaasimyaasha Radio Muqdisho, Idaacadda Codka Ciidamada iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqda horumar fiican iyo in aad u adkaysateen duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen, oo laga yaabo dhaqaale xumo qalab la’aan iyo tababar la’aan in aad soo gaarsiiseen meeshaan, oo ah meel wax laga wadi karo. Waan idinku hambalyeynayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisa kusoo gaba-gabeeyey xarunta kaydka Radio Muqdisho halkaas uu dalacsiin hal darajo ah ku siiyay madaxa kaydka Raadiyaha Gaashaanle Dhexe Abshir Xaashi Cali oo gacanta kusoo hayey kaydka Raadiyaha tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...