Gudoomiye Jawaari oo booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee South Africa ( Sawirro )

Date:

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Pretoria ee dalka K/Afrika.

Gudoomiyaha oo Dalka K/Afrika u joogo howlo shaqo ayaa waxa uu u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda  iyo howlaha ay u qabato Jaaliyadda kadibna  waxa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Safiirka,Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha waxa ayna warbixin guud ka siiyeen howlaha ay Safaaradda u qabato Jaaliyadda Soomaalida ee Wadamada Afrikada Koonfureed isagoo booqday dhamaan Xafiisyada ay Safaaradda ka koobantahay.

Danjire Jamal Barrow waxa uu warbixin ka siiyay Gudoomiyuhu xilliga la furay Safaaradda iyo marxaladaha ay soo martay iyo waliba dhibaatooyinka Soomaalida K/Afrika isagoo Barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in arimahaas ay garab ku siiyaan Safaaradda Soomaaliya si wax looga qabta madama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Madaxda iyo Shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegaan shaqooyinka ay u qabtaan Jaaliyadda,waxa uuna ku dhiirgaliyay inay ku dadalaan jiritaanka Calankeena.

“ Maanta waxaan fursad u helay Safaaradeena Soomaaliya oo ku taalla South Africa,waxaana la kulmay diblomaasiiyin iyo madax u bisil howshooda loo igmaday u tababaran,waxaan ammaan iyo mahad ugu jeedinayaa oo ku dadaalay jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda mudadii ay Safaaradda ay furneyd” ayuu Gudoomiyaha yiri.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya mas”uulkii ugu darjarada sareeyay ee booqasho ku yimaado Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria,iyadoo Safaaradda ay dhibadada u aaseen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Afrika sanadii 2012 ka.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane,Pretoria.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...