Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba (Daawo Muuqaal)

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana kulanka looga hadlay sidii mudnaan gaar ah loo siin lahaa dadka qaba baahiyaha Gaarka ah, sidii looga faa’iidaysan lahaa habcurintooda iyo sidii Barnaamijyo gaar ah looga siin lahaa warbaahinta Dowladda.

Qaarka ka mid ah dadka Baahiyaha gaarka qaba oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay u baahanyihiin in shaqo Abuur loo sameeyo, iyagoo xusay dadka Baahiyaha Gaarka qaba inay ku jiraan dad Aqoon leh oo qaban kara shaqo kasta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa xubnahaan ku ammaanay doorkooda ku aadan u ololaynta sidii loo hormarin lahaa loolana dabooli lahaa baahiyaha ay qabaan.

Mudane Eng. Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in Warbaahinta Qaranka ay Fursad gaar ah siinayso dadkaan maadaama uu sheegay inay la midyihiin dadka kale ee Soomaaliyeed ayna xaq u leeyihiin inay helaan Fursadahooda.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...