Wasaaradda Haweenka oo tababbar u furtay shaqaale ka tirsan Wasaaradaha dowladda

Date:

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta tababbar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaah Wasaaradda iyo xubno kale oo ka kala socday Wasaaradaha dowladda.

Tababbarkan ayaa ujeedkiisu yahay awoodsiinta habka diyaarinta heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta, iyadoo ay bixinayeen dad aqoon u leh howshaasi.

Agaasimaha Waaxda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Haweenka Axmed Cabdi Burile ayaa sheegay in ay Wasaaradda dhimeystireyso heshiiskasi,  isagoo ka qeyb galayaasha kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan

Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Sacdiyo Maxamed Nuur ayaa sheegtay in axdigan uu yahay mid caalami ah, isla markaana ay Wasaaradda ka go’antahay inay dhameystirto heshiiskiisa, maadaama uu xoogga saarayo dhowridda xaquuqda carruurta.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xaquuqda Carruurta ee Wasaaradda Faadumo Maxamed Cali ayaa tilmaamtay in warbixintan oo ah mid hore dhac ah ay gudbin doonaan, isla markaana saddex sano kaddib ay geyn doonaan warbixinta oo dhameystiran.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Deeq Suleymaan Yuusuf ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii wadajir loogu diyaarin lahaa sharciga xaquuqda carruurta.

“Sidii loo badbaadin lahaa, loona heli lahaa xaquuqda carruurta, waxaan rabnaa inan isla eegno saameynta ay nagu yeelan doonto heshiiskasi ay Soomaaliya saxiixday, waxaana kaloo isla eegeynaa dhaqan gelinta heshiiskaasi”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka Samra Ibraahim Maxamed oo furtay tababbarka ayaa sheegtay in ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa nidaam sharci ah oo saldhig u ah xaquuqda carruurta.

“Tababbarkan waxa uu socon doonaa muddo labo cisho ah, waxaana uu yahay mid lagu awoodsiinayo shaqaalaha Wasaaradda Haweenka iyo kuwa wada shaqeynta ay kala dhexeyso ee ku aadan aruurinta xogta, Diyaarinta qabyo-qoraalka iyo gudbinta warbixinta waajibka u ah Soomaaliya ee heshiiska Xaquuqda carruurta” ayay tiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...