Senator Cabdi Qeybdiid oo loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal

Date:

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tartanka oo ay ku loola mayeen labada musharax ee xilkaasi u taagnaa, kuwaasi oo kala ah Cabdi Qeybdiid iyo C/raxmaan Faroole ayaa Cabdi Qeybdiid waxa uu heley codod dhan 6-halka Faroole uu isna helay 4 cod, waxaana sidaas Guddoomiye ku noqday Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Guddiga Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda labada Aqal, waxaaana doorashadii ay maanta ku qabteen Muqdisho ku guuleystay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo noqday Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Aqal ee Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...