Guddoomiye Jawaari oo sagootiyay arday Jaamacadda SIU ay u dirtay dalka dibadiisa (Daawo Muuqaal)

Date:

In ka badan 45 arday  oo wax  ka barta  Kuliyadaha  Injineeriyada  iyo caafimaadka  ee Jaamacadda  SIU oo deeq wax barasho  ugu  amba baxay dalalka  Uganda  iyo Kenya ayaa guddoomiyaha  golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya  Prof Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ku sagootiyay  garoonka diyaaraha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada  Muqdisho.

Ardaydan loo diray Jaamacadaha Nairobi iyo Makerere ee dalalka Kenya iyo Uganda ayaa qeyb ka ah heshiisyada caalamiga ah ee ay Jaamacaddu la gashay Jaamacadaha ku yaala dalalka bariga Afrika, waxaana sagootinta sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaan Prof Cabdiraxmaan Ibbi, Maamulka Jaamacadda iyo waalidiinta ardayda la sagootinayay, kuwaasi oo sanad waxbarasho ku soo qaadan doono Jaamacadaha kala ah Makerere University iyo University of Nairobi.

Guddoomiyaha Jaamacadda  SIU Shaafici Diiriye Cabdi  ayaa tilmaamay in ay tahay dufcado dhowr ah oo ay maamulka Jaamacadda ku guuleysteen inay dalka dibadiisa u dirto arday wax ka baratay Jaamacadda, waxaana uu intaa ku daray inay ka go’antahay sare u qaadista tayaynta tacliinta sare ee dalka, isagoo kula dardaarmay ardayda, inay si wanaagsan uga soo faa`iideystaan mudada sanadka ay waxbarashada ku maqan yihiin.

Agaasimaha  Guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta saare  Ismaciil Yuusuf Cisman  ayaa ku booriyay ardayda  in ay ku dadaalaan  waxbarashada.

Xildhibaan Cabdirahman Aaden Ibraahim (Ibbi) ayaa ku amaanay dowrka wanaagsan ee Jaamacadda SIU ugu jirto tayeynta tacliinta sare ayna tahay tallaabo mudan in lagu dhiiri geliyo maamulka iyo ardayda Jaamacadda.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Soomaaliya  Prof Maxamed Sheekh Cisman Jawaari  ayaa  kula  dardaarmay Ardayda  in ay dhowraan sharafta dalkooda ayna ku dadaalaan waxbarashadooda, isagoo ku booriyay inay ka faa’iideystaan barnaamijka isweydaarsiga Ardayda ee SIU la lee dahay Jaamacadaha ugu waaweyn Qaaradda Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga oo guddoomiyey shir looga hadlayay dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah...

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine...