RW Khayre oo booqday kaydka raashinka ee ciidanka dalka Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa galabta booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliyeed, waxayna indho indheeyeen goobaha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda qaranka ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dheeraaday shaqada ay hayaan ciidanka ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciidamadda, sidoo kalena waxuu waydiiyay in cuntooyinkan ay yihiin kuwa ku filan qaybaha kala duwan ee ciidanka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ( XDS ) Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raashinku uu yahay mid ku filan ciidamadda, balse waxuu madaxda qaranka u soo jeediyay in si hoose ula socdaan xaaladda ciiddanka maadaama ay marwalba halis u galiyaan naftooda inay difaacaan dalkooda, sidoo kalena waxuu tilmaamay in maalinta beri ah ciidanka loo qaybin doono raashinkooda, iyadoo xarun walba la gaynayo inta ay xaq u heshay.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad la siiyo ciidamadda, maadaama ay shaqada ugu muhiim san wadanka u hayaan, wuxuuna ku dardaarmay in laga fogaado hantida ciidanka Soomaaliyeed, isagoona hadalkiisa raaciyay in ay jiraan Guddi kormeer ah oo imaanaya xaruntan si loo ogaado in si caddaalad ku jirto loo qaybiyay raashinka.

“Waxaan bilownay la dagaalanka musuq maasuq qaran, qof walbana waxaan kula xisaab tamaynaa shaqada uu dowladda u hayo, tanina waxay ka mid tahay isla xisaabtanka ay wado dowladdu” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahed celiyay dhamaan ciidamadda dalka maadaama ay iskood u go’aan sadeen in ay difaacaan dhulkooda, iyagoo ku shaqeynaya xaaladd adag, lana dagaalamaan codowga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...