Madaxweyne Rwanda Paul Kagame oo markii 3aad dib loo doortay

Date:

Guddiga doorashooyinka dalka Ruwanda ayaa shaaciyay in uu doorashadii ka dhacday dalkaasi uu ku guuleystay Paul Kagame madaxweynaha dalkaasi.

Mr Kagame ayaa heley 98% boqolkiiba in kabadan codadka la tiriyay, waxaana uu markii sedaxaad qabanaya xafiiska madaxweynaha isagoo kaga guuleystay doorashada ilaa 2 musharax oo kale kuwaasi oo kula loolamayaya doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalkaasi.

Kumanaan taageerayaashiisa ah ayaa banana baxyo ka sameynayay magaalooyinka dalkaasi oo ay kujirto caasimadda dalkaasi ee Kigali.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa lagu tilmaamayaa in uu horumar dhinaca dhaqaalaha ah gaarsiyay dalkaasi, wixii ka dambeyeey 1994 markii xasuuq ba’an uu dalkaasi ka dhacay.

Mr Kagame, ayaa talada dalkaasi hayay muddo dhan 17 sano, dhawaana waxaa isbedel lagu sameeyeey dastuurkii dalkaaasi, oo madaxweynuhu fursad u siinaya in xafiiska uu sii hogaamiyo ilaa 2034.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...