Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garoowe ku Qaabilay Saraakiil ka Socdey Hay’adda UNSOM

Date:

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socdey hay’adda UNSOM Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. Simon West oo ah la-taliyaha guud ee  dhinaca amniga UNSOM Soomaliya.

Kulankani ayaa waxaa Madaxweynaha ku welehelinaayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, waxaana kulanka lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiintani kusoo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana uu u xaqiijiyey in maamulka Puntland hormuud u ahayd dhaaqjinta fekerka  isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u tahay sidii looga gun-gaadhilahaa qorshaha qaran ee laga yeeshay isku dhafka ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa masuuliyiintani u cadeeyey in ay ka go’antahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo isku dhaf ah, kuwaasi oo ka kala yimid dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah  Soomaaliya iyo DFS, isla markaana leh sumad Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxwenaha ayaa xaqiijiyey in ciidan kaasi qaran ahaan doono sida qorshuhu yahay mid wax weyn ka bedelidoona marxaladda ay maanta ku jirto Soomaaliya, isla mar’ahaantaana u horseedi doona shacabka Soomaaliyeed nabad iyo nolol.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyed in xilgaara lasyka saaro dhismaha ciidan qaran oo sumad Soomaaliyeed leh, wadaniyadana, ka shaqeeya danaha Diintooda,  dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen cadawga tabarta yar ee Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...