Guddoonka Aqalka sare oo kulan la yeeshay guddiga dastuurka ee baarlamaanka (Daawo Muuqaal)

Date:

Guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga la socodka dib u eegista dhaqan gelinta dastuurka iyo arimaha federaalka ee labada aqal baarlamaanka  ka kooban kaas oo looga hadlay dardargelinta arimaha dib u eegista dastuurka.

Xarunta aqalka sare waxaa sidoo kale kulan ku yeeshay guddoonka iyo guddiyada joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana looga hadlay dejinta qorshe howleedka aqalkaas.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa kulanka markii uu soo gaba gaboobay warbaahinta qaranka la hadlay  ayaa waxaa uu sheegay in kulankan uu qayb ka ahaa kulamadii ay gudiyada joogtada golaha aqalka sare  ay maalmahan u socday.

“Maalinta bari ee bishu ay ku beegan 6, August, waxaa bilaabanaya kulamadii xubnaha aqalka sare ee ay guda galayeen ajandayaasha horyaala si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri guddoomiyaha.

12 Bishii Luulyo ee ina soo dhaaftay ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya uu furey kalfadhiga labaad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...