Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya miisaaniyadda Dowladda ee 2017

Date:

Ayadoo Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay horyaalaan ajandayaal dhowr ah oo muhiim u ah dalka ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka waxay maanta ka doodidoonaan arrimaha miisaaniyadda Dowladda.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa uu horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2017 waxaana xildhibaanada loo qeybiyay nuqulada miisaaniyadda iyagoo marki dambe dib u celiyay miisaaniyadad.

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasaaradda maaliyadda ayaa maalmahan ka wada shaqeynayay sidii loo turxaan bixin lahaa miisaaniyadaasi oo xildhibaanada qaarkood ay aragti ka keeneen.

Hase ahaatee waxaa lagu wadaa in maanta ay ka doodaan xildhibaanada Golaha Shacabka si miisaaniyadaasi loo ansixiyo.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhawaan shaaciyay in la fasaxay miisaaniyadda ciidamada Qalabka sida ilaa laga ansixinayo miisaaniyadda guud ee Qaranka 2017.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim...

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...