Wasiirka Tacliinta Sare oo la kulmay Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudaan

Date:

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cusmaan  oo ay wehlinayaan Lataliyaha Wasiirka Tacliinta Sare, Dr. Cali Sheekh Axmed Abuukar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo ku-xigeenka Gudiga hormarinta  adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Suudaaan, waxaane goobjoog ka ahaa kulanka Gudoomiyaha Jaamacadda Afrika Prof: Kamaal Cubayd, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Suudaan Mudane Maxamed Cabdulaahi Ugaas, Diblomaasiin ka tirsan Safaaradda, Jaaliyada, Salaadiin iyo Marti sharaf kale.

Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi oo iyadane goobta hadalo ka jeedisay ayaa Ardayda uga sheekeeysay xaalka Dalka uu marayo iyo qaabka xiligan fursado u heli karaan dhamaan Ardayda waxbaratay iyo horumarka la gaaray ee xiligan dowladooda ku tilaabsatay, iyadoone Ardayda usheegtay inay yahiin dadkii badali lahaa Dalka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ardyda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadan ay yihiin Imamyada Masjidka Jaamacad maadaama buu yiri ay yihiin kuwo Xifdisan Qur,aanka Kariimka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qudbad qiima badan ujeediyay boqolaal ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ayaa aad ugu mahadceliyay Dowladda Suudaan sida ay u garab istaageen Shacabka Soomaaliyeed  mudadii ay Burbursaneed Soomaaliya kana taageertay dhanka Waxbarashda, asigoone dhanka kale Ardayda kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho.

Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo ayaa maalmahan ku jira buuqasho shaqo oo ay ku joogaan dalka Suudaan halkaas oo madax dhanka waxbarashada Suudaan ah kula kulmeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sawir-qaade Maxamed Isxaaq (Canjeex)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...