R/Wasaare Kheyre β€œTaliyeyaasha ciidamada waxaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidanka”

Date:

Wada shaqayn wanaagsan oo dhex marta ciidanka qalabka sida Dalka waa mid horseedaysa in ay dhabar jabiyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed, Shirka Β  todobaadΒ  lahaa ee sarakiisha ciidanka ayaa maanta looga hadlay xoojinta wada shaqayntaΒ  iyo is dhex galka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay uga guuleystaan cadowga, isla markaana Β horumar ugu horseedaan Soomaaliya .

Shirka Β oo ka dhacay xarunta tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ka ka qayb galayΒ  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda SoomaaliyaΒ  Wasiiro kaΒ  tirsan Xukumadda,Β  Taliyeyaasha iyo sarakiisha Ciidanka qalabka sida ee Dalka waxaana ahmiyad lagu saaray adkaynta iyo wada shaqaynta ciidanka qalabka sida si meesha looga saaro isku dhacyada yar ee mararkaΒ  qaar dhexmara ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Booliska SoomaaliyeedΒ  Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo ku hadlayey Magaca Taliyeyaasha ciidanka qalabkaΒ  sida ayaaΒ  shirka ka aqriyey qodabo Β lagu xoojinayo wada shaqaynta ciidankaΒ  qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

β€œIn ciidamada ay si mideysan u wada howlgalaan, oo ay si wada jir ah ugu dadaalaan howlgallada ka dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda, inay is xoshmeeyaan oo ay isxaqdhooraan, in ciidamada ay si daacad ah ugu wada adeegaan shacabka iyo in Ciidamad aysan kala duwan oo ay ogadaan inay yihiin ciidan qura oo ay dhowraan nidaamka ciidanka u degsan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska.

Wasiirka Cadaladda ee xukumadda Soomaaliya Β AbuukaateΒ  Xasan Xuseen Xaaji Xuseen ayaa sheegay si horumar laga gaaro ammaanka dalka ay muhiim u tahay dhaqalaha, isagoo ku booriyay inay ciidanka is xaqdhowraan.

Ra’iisul wasaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali KhayreΒ  oo khudbada dheer u jeediyey sarakiiasha ciidanka ayaa taliyeyaasha ciidanka ku amray in looga bahanyahay in ay ka shaqeeyaan walaalaynta Β iyo wada shaqaynta Β ciidankaΒ  qalabka sida dhexdooda ah, ayna meel iska dhigaan Β waxΒ  kasta oo keeni kara kala qob qobnaan dhex marta ciidankeena.

β€œMadaxda ciidamada kow waa inaad ogaataan inaad hal magac wada leedihiin, oo aadan kala ahayn Nabad sugid, boolis iyo militeri, ogaada inaad tihiin ciidan Soomaaliyeed, inaad ka shaqeyneysaan Soomaalinimo, maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali, Β Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ciidanka qalabka sida Β ayaa ah astaan lagu cabiro jirtaanka iyo sharafta dalka kasta Β oo caalamka ah , ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya waa kuwa Β lagu tilmaami jiray in ay yihiin libaaxyadda Β Afrika, waana rajada kaliya oo ay leeyihiin umadda Soomaaliyeed mar kasta oo ay dhibaato Β Β iyo cadow doonayaan inΒ  dhibaato gaarsiiyaan Β Β Β sharafta Umadda Soomaaliyeed taana waa mid ay gudan karan marka ay la yimadaan wada shaqayn dhexdooda ah

Ra’iisul Wasaare Kheyre β€œMadaxda ciidamada kow waa inaad ogaataan inaad hal magac wada leedihiin, oo aadan kala ahayn Nabad sugid, boolis iyo militeri, ogaada inaad tihiin ciidan Soomaaliyeed, inaad ka shaqeyneysaan Soomaalinimo, maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali, Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”.

ΔημοσιΡύτηκΡ Ξ±Ο€ΟŒ Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Πέμπτη, 3 Αυγούστου 2017

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale