Guddiyada joogtada ah ee labada aqal ee Baarlamaanka oo Shirkoodii ugu horeeyey Yeeshay

Date:

Kulanka guddiga joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa furay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo jeediyey khudbad uu uga hadlayo hannaanka ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan guddiyada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, kulanka ayaana ka qabsoomay xarunta golaha aqalka sare.

Furitaanka kulanka ayeey Wadajir u guddoomiyeen guddoomiyeyaasha labada aqal, waxaana doodaha guddiyada diiradda lagu saaray sidii loo jiheyn lahaa qaabka ay u wada shaqeyn karaan labada aqal iyo guddiyadooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in uu soo jeedinayo sameynta xeer u gaar ah labada aqal kaas oo noqonaya midka hagi doona wada shaqeynta goleyaasha iyo guddiyada joogtada ah.

Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo kulankii ugu horreeyey ee guddigada joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Soomaaliya soo xiray ayaa sheegay in la joogteyn doono kulammada guddiyada joogtada labada aqal, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo dardargelin doono helitaanka hab cusub oo ay ku wada shaqeeyaan labada dhinac.

Kulankaan ayaa ah kii ugu horreeyey ee guddigada joogyada labada aqal ee Barlamaanaka Federaalka Soomaaliya, waxaana muuqata goleyaasha wadaan qorshe ku aaddan sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn oo ku saleysan sharciyad si howlaha adag ee guud ahaan horyaalla Barlamaanka Soomaaliya loo hirgeliyo.

        

Sawir Qaade:- Maxamed Nuur Maxamed (Shariifka)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...