Wasiirka Wasaaraddaย ย Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaanย oo ay wehlinayaan Dr. Cali Sheekh Axmed Abuukar lataliyaha Wasiirka, Ismaaciil Yuusuf Cusmaan Agaasimaha Guud ee Wasaarada, xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ku xigeenka Gudiga hormarintaย ย adeega bulshada Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa dhamaan kulamadaas Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Cabdulaahi Ugaas Faarax iyo Uqeebsanaha dhanka waxbarashada Safaaradda ย Dr. Cabduqaadir Maxamuud Cali Guulane.
Wafdiga ayaaย ย booqday xaruunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Suudaan waxaana halkaasi ku soo dhaweesay Drs. Sumaya Abuu kashwaย ย oo ah Wasiirada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka Suudaan, soo dhaweenta ka dib ayaa wasiirku waxa uu kulan la qaatayย ย ย Wasiiradda ย isagoo kala hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada wasaaradood oo ay kala matalaan wuxuuna wasiirku tibaaxay in uu diyar u yahayย ย adkeenta xiriirka labada wasaaradood iyo dhaqan galintaย ย hishiisyadii horay loo galay.
Dhinaca kale Wasiirada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Suudaan ayaa iydana sheegtay in ay diyaar u tahay dhamaan in ay garab istaaagto ka wasaarad ahaan wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya ayna ka haqabtiri doonaan baahiyadooda dhan walbo, waxaa ay intaas ku dartay in ay ku dadaalayaan sidii ay deeqaha waxbarasho ee Dalkeeda siiso Soomaaliya sii laba jibaari doonaan.
Wafdiga Wasiirka ย ayaa waxaa booqasho ku tageem mid ka mid ah Jaamacadaha faca weyn ee ka dhisan Dalka Suudaan taa oo ah Jaamacadda Niileeyn waxna ka dhigtaan arday Soomaali ah isagoo la kulmay maamulaha Jaamacadaasi, waxuu balan qaaday maamulaha Jaamacadaasiย in sanadkan bixinย ย doonaa ilaa iyo tobon boos oo heerka labaad ee darajada Master ah qaab lacag laโaan ah si loogu faaโideeyo ardayda Soomaaliyeed ee u baahan deeqahaasi.
Cabdi Daahir Cusmaan Wasiirka Wasaaraddaย ย Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliyaย ayaa dhankiisa bogaadiyay maamulka Jaamacadaasi sida hagar laโaan ta ah oo ay ugu hagar baxaan ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in abaalkaasiย ย aanu ahayn mid ay ilowsanyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaaย ย lagu wadaa saacadaha soo socda in uu la hadlo Jaaliyadda iyo Ardayyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Khartuum ugana warbixiyo xaaladaha uu marayo Dalka isagoo gabagabadii safarkiisana booqan doonaa Jaamacada Afrika oo ay wax ka bartaan badanaa ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Khartuum
W/Q/ Cabaas Maxamed Nuur