Guddoonka Golaha Shacabka oo Shaaciyey In la Fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Inta Doodu Socoto

Date:

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in la fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya bilaha July iyo August inta ay socoto Dooda Miisaaniyadda guud ee Dowladda 2017.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in go’aankani uu gaaray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 01 August 2017 sababta go’aankaas loo qaatayna ay tahay inaanay marna hakan xuquuqda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya hadii ay ahaan laheyd raashiinkooda,adeegooda iyo mushaaraadkooda.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,Wasiirka Maalliyadda iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa la faray iney fuliyaan go’aankaas oo ah go’aan kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maadaama aanay ciidammadu sugi karin inta ay soconeyso Dooda Golaha Shacabku ka doodayo Miisaaniyadda Qaranka ee 2017.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...