Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciidanka AMISOM waxey u joogaan si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn. Ciidankaas oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidanka XDS oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen. Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan. Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...