Waxaa la rumeysanyahay in Madaxii Argagaxisada ee Muqdisho Cali Jabal lagu diley howlgal qorsheysan

Date:

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).

Cali Jabal ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha argagaxisada Al-Shabaab oo mus’uulka ka ahaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyada oo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen Muqdisho.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed oo Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay argagaxisada Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...