Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka ย bisha Ramadaan ee warbaahinta Qaranka waxaa ka qeybgalay raโiisul Wasaare ku xigeenka X.F.S Mahdi Maxโed Guuleed, Wasiirka Warfaafinta En. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaarah, Marwo Khadiijo Maxโed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxโed Agaasimaha Guud ee wasaraadda iyo Agaasimayaasha waaxyaha.
Agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jeyte oo ku hadlayay magaca agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda ayaa uga mahadceliyay dhamaan ka qeybgalayaasha iyo guddiga qaban qaabada Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumar kan ka ballaaran in la gaaro sanadkan sanadkiisa.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Mudane C/raxmaan Sheekh Yuusf Al-Cadaala ayaa halkaasi kahadlay.
โAnigoo ku hadlaya maamulka wasaaradda waxaan jeclahay in halkani aan idinkugu soo dhaweeyo, barnaamijka, Runtii wuxuu kamid yahay barnaamijkan dardargelinta howlihii bulshadu ay ka sugayeen, oo ah wacyigelinta bulshada, sanadkan soo socoda waxaan ku dadaali doonaa horumar kan ka duwanโ, Ayuu yiri Agaasime Cadaala.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxโed ayaa munaasabadda ka sheegay in maamulkiisa uu dadaal u galidoono sidii dugsiyo waxbarasho oo lacag laโaan ย ah looga hirgelin lahaa magaalada Muqdish.
โka maamul ahaan waxaan ku dadaalaynaa sidii iskuulaad waxbarasho oo lacag laโaan ah uga sameyn lahayn Muqdisho, hadda labo Degmo ayaan ka hirgelinay waxaan doonaynaa in Degmo kasta laga helo hal iskuul oo si lacag laโaan ah wax loogu barto.
Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan En. Yariisow Wasiirka Warfafunta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiayay kaalinta warbaahinta Qaranka ay ka qaadanayso wacyigelinta bulshada.
โMaanta runtii xafladani waa xaflad Taariikhi ah, ka sokow tartankan oo aan ugu mahadcelinayno maamulka Gobolka Banaadir waxaa jiray tartamo kale sida, ย Koob loo qabtay 15 May iyo Maalmaha Xoriyadda ย kaasi oo ay ku guuleysatay kooxda Banaadir, sidoo kale waxaa jiray tartan kale sports oo ka socoday Degmada Warta-Nabadda oo ay ku guuleysatayย Warbaahinta Qaranak, waxaana rajeynaynaa in aad nala xoojisaan hiigsiganโ, Sidaasina waxaa yiri Wasiirka warfaafinat XFS.
Marwo Khadiijo Maxโed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalak Soomaaliya oo halkaasi ka hadashay ayaa dhiiro gelisay kaalinta dhalinyarada ay ku leeyihiin horumarka dalka ayadoo ku amaantay maamulka gobolka gaar ahaan dowrkii uu gabdhaha dhalinyarada ah ka siiyay talada maamulkiisa.
Raโiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amaanay warbaahinta Qaranak dowrka ay ka qadanayso wacyigelinta bulshada.
Waxaa geba gebadii halkaasi shahaadooyin lagu Guddoonsiyay Tarmayaasha Degmada Wartanabadda ee Muqdisho iyo degmada Dhahar ee gobolka Sanaag oo iyana gashay kaalinta labaad iyo sidoo kooxo ku guuleystay tartamo sportsย sida koox u dheeleysay Warbaahinta Qaranka oo ku guuleystay tartan ka dhacay degmada Warta nabadda, Koobka 15 May oo ay qaaday koxda Banaadir.

W/Q Cali C/qaadir Caliย
