Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada hoose

Date:

Sargaal ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxaa lagu dilay deegaanka kuunyo barow ee Gobolka shabeellada hoose waxaana jira Maxaabiis laga sii daayay deegaankaasi.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Xaruunta Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Aadan madoobe oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn Diyaarado dagaal ka fuliyeen Gobolka Shabeellada hoose gaar ahaan deegaanka Kunyo Barrow lagu dilay Sargaal sare oo Magaciisa lagu soo gaabshay dheere oo ka mid ahaa Hor-joogayaasha kooxdaas ee Buuraleyda Gal-gala.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya duqaymo ay iska kaashanayeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda argagixisada ah ee A-lshabaab.

Xigasho SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...