Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo sheegay in lagu guuleystay ladagaalanka Musuqa

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Max’ed Guuleed Qadar oo ka hadlayay munaasabad lagu soo xirayay tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dowladad Soomaaliay ay ku guuleysatay ladagaalanka Musuqa.

“Sida aad la socotaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu hirgeliyay tiirarkii muhiimka u ahaa Dowladda kuwaasi oo horey uu u balanqaaday Madaxweynaha JFS, Waxaa lagu guuleystay in wax badan laga qabto ladagaalanka Musuqa, qofkii qalin wax ku dhacana sharciga ayaa la horkeenaya”,Ayuu Raiisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Mudane Mahdi Max’ed Guuleed ayaa  Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan Canshuurta maadaama Dowladda Soomaaliya ay ka soo baxday dowrkeedii ahaa ladagaalanka Musuqa, taasi oo keeneysa in lacagaha laga qaado bulshada loogu adeego Dalka iyo Dadkaba.

Mudadii ay jirtay Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Max’ed C/laahi Farmaajo waxaa la dareemayaya horumaro balaaran oo isugu jira dhinacyada Ammaanka, Dhaqaalaha, ladagaalanka Musuqa iyo xiriirka dhinaca diblomaasiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...