Wasiirka Amniga Puntland oo shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Amniga

Date:

Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ah sii hayaha Wasiirka Amniga  Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay in shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland ka wada shaqeeyaan amniga Puntland.

Mudane Qarjab ayaa sheegay in ay jiiraan dad Puntland u diidan xasilooni iyo Amni waxaana uu sheegay in dadkaasi looga guuleysan karo oo kaliya in shacabka ay si toos ah ula shaqeeyaan laamaha Amniga , ayagoo usoo gudbinaayo warbixinada dhaqdhaqaayada ay ka shakiyaan.

Wasiirka ayaa si gaar ah dhalinyarrada ugu booriyey in si weyn uga qeyb qaataan Sugida Amniga ayna la shaqeeyaan Hay’addaha Amniga si loogu guuleysto ka hortaga kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaaleysta dadka Shacabka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...