Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Kulan Kula yeeshay Madaxa Xafiiska Hay’adda SSF Ee Bariga iyo Bartamaha Africa

Date:

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  ku qaabilay Madaxtooyada Garoowe  wafdi uu hogaaminayo Madaxa xafiiska hay’adda SSF ee Bariga iyo bartaha Qaaradda Africa Mr. Gareth O’ Hagan.

Kulanka  ayaa waxaa Cabdiweli Maxamed Cal  ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana kulanka looga hadlay arrimo la xidhiidha mashaariida horumarineed ee ay hay’addu ka fuliyaan  guud ahaan degaanadda Puntland.

C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland  ayaa ugu horayn Xafiiskiisa kusoo dhoweeyey waftigani, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey hawl-wadeenada hay’addani mashariicaha wax tarka leh ee ay ka hirgeliyaan Puntland ha ahaadeen kuwo hore loo qabtay iyo kuwo hadda socdaba ah.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa sheegay in ay mashaariicdaasi ka mid yihiin qoddaalka Ceel -Biyoodyo (Riiggag), samaynta jidad laamiya iyo taakulayn dhanka Ciidamadda Booliska Puntland oo ay ka caawiyaan dhinacyo baddan, waxaana uu Madaxweynuhu ku booriyey dhammaan shaqaalaha hay’adda inay dar-dargeliyaan mashaariicdasi, isla markaana ay ku didaalaan sidii ay u qabsoomi-lahaayeen una hirgeli lahaayeen.

Dhanaca kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa shaqaalaha hay’adda SSF uga warbixiyey muhiimadda ay leeyihiin mashaariicdaasi ay ka fuliyaan Puntland, waxaana uu xaqiijiyey Madaxweyne ku xigeenku inay salka ku hayaan dhammaan mashaariicdaasi kuwo horumarineed oo saamayn togan ku yeelan kara  arrimaha bulshada.

Sidoo kale  Camey ayaa ku booriyey shaqaalaha hay’addani inay dar-dar geliyaan shaqooyinka loo igmaday inay fuliyaan, isla markaana ay isku taxalujiyaan siidii ay u qabsoomi lahaayeen mashaariicdaasi, sida qorshuhu yahay ka sokow Amar Alle ‘’SWC’’.

Ugu danbayntii, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in la ilaaliyo Xasiloonidda, Nidaamka iyo kala danbaynta, isla markaana laga wadda shaqeeyo wax kasta oo wax tar u leh horumarka shacabka iyo Maamulka Puntlandba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...