Faahfaahin Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Gaari walxaha laga soo buuxiyay oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Wadada Makka Almukarama ee Magaalada Muqdisho sida uu Warbaahinta Qaranka u Xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane

Wariye Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oronjo) oo goobta Masiibada ka dhacday gaaray oo lahadlay Saraakiisha Ammaanka ayaa SONNA u sheegay dhimashada 4 qof  halka tirada ku  dhaawacantayna ay ka badanyahay 10 kale .

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo lahadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegau in Gaari Qarax uu ku xiranyahay uu ku Qarxay goob Super Market ah oo ku taala Jidka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxyeello soo gaarsiiyay Gawaaridii xiligaasi marayay meesha dhibaatada ka dhacday iyo dhismayaashii ka agdhwaaba.

Goobtaasi waxaa gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana durba bilowday howlgalo ay wadaan ciidamada amaanka ee halkaasi gaaray.

SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...