Golaha shacabka oo diiday codsiga wasiirka arimaha dastuurka

Date:

Kulanka golaha shacabka jamuuriyadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaaย  shir guddoominayay guddoomiyaha golahaas, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) iyadoo ajendaha kulanka uu ahaa weydiin suโ€™aal oraaheed ku abaaran wasiirka arimaha dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo dhowaan mooshan ka keeneen 10 mudane oo ka tirsan golaha shacabka.

Wasiirka arimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa guddoonka golaha shacabka u soo gudbiyay qoraal uu ku cudur daaranayo in uusan maanta hor imaan karin golaha, isagoo codsaday in dib loogu dhigo waqtiga uu hor imaanayo golaha loogana dhigo 11-ka bisha August ee soo socota.

Xildhibaan, C/fitaax Cismaan Daahir, oo kamid ah mudaneyaashii mooshinka ka keenay wasiirka, ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn cudur daarka uu soo gudbiyay uuna doonayo in dib u eegis lagu sameeyay xilka wasiirka.

โ€œMaadaama na loo sheegay waqti aad ugu dambeeyay waqtigii ay aheyd in na loo sheego, kuma qanacsanin, in wasiirku uu u baxay xaalad caafimaad, waxaana qabaa in isagoo maqan laga doodo, maadaama uu ixtiraami waayay u yeeristii baarlamaanka, in xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo,โ€ ayuu yiri C/fitaax.

Sidoo kale, xildhibaanย  Samiiro Xasan C/laahi, ayaa sheegtay in golaha looga baahan yahay in ay tixgeliyaan cudur daarka uu soo gudbiyay wasiirka.

โ€œMudane guddoomiye, maadaama muwaadinka uu xaq u leeyahay in uu caafimaadkiisa xaqiijin karo, waxaa rabaa barlamaanka sharafta leh, maadaama aysan jirin wax deg deg ah oo wadanka qalqal ugu jiro- aan sugno waa mudo gaaban,โ€ ayay sheegtay Samiira.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in xildhibaanada ay leeyihiin goโ€™aanka wasiirka loogu diidayo codsigiisa iyo haddii ay u ogolaanayaan.

Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa markii dambe cod geliyay codsiga wasiirka arimaha dastuurka oo ah in loo ย ogolaado in waqtiga loo kordhiny,85-Xildhibaan ayaa diiday codsiga wasiirka, halka 71-Xildhibaanย  ay ogolaadeen, waxaana ka aamusay sadex mudane.

Guddoonka golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa arintan u xil saaray gudiga joogtada ah ee golaha u qaabilsan dastuurka in ay goโ€™aan ka soo saaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale