Golaha shacabka oo diiday codsiga wasiirka arimaha dastuurka

Date:

Kulanka golaha shacabka jamuuriyadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaa  shir guddoominayay guddoomiyaha golahaas, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) iyadoo ajendaha kulanka uu ahaa weydiin su’aal oraaheed ku abaaran wasiirka arimaha dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo dhowaan mooshan ka keeneen 10 mudane oo ka tirsan golaha shacabka.

Wasiirka arimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa guddoonka golaha shacabka u soo gudbiyay qoraal uu ku cudur daaranayo in uusan maanta hor imaan karin golaha, isagoo codsaday in dib loogu dhigo waqtiga uu hor imaanayo golaha loogana dhigo 11-ka bisha August ee soo socota.

Xildhibaan, C/fitaax Cismaan Daahir, oo kamid ah mudaneyaashii mooshinka ka keenay wasiirka, ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn cudur daarka uu soo gudbiyay uuna doonayo in dib u eegis lagu sameeyay xilka wasiirka.

“Maadaama na loo sheegay waqti aad ugu dambeeyay waqtigii ay aheyd in na loo sheego, kuma qanacsanin, in wasiirku uu u baxay xaalad caafimaad, waxaana qabaa in isagoo maqan laga doodo, maadaama uu ixtiraami waayay u yeeristii baarlamaanka, in xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo,” ayuu yiri C/fitaax.

Sidoo kale, xildhibaan  Samiiro Xasan C/laahi, ayaa sheegtay in golaha looga baahan yahay in ay tixgeliyaan cudur daarka uu soo gudbiyay wasiirka.

“Mudane guddoomiye, maadaama muwaadinka uu xaq u leeyahay in uu caafimaadkiisa xaqiijin karo, waxaa rabaa barlamaanka sharafta leh, maadaama aysan jirin wax deg deg ah oo wadanka qalqal ugu jiro- aan sugno waa mudo gaaban,” ayay sheegtay Samiira.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in xildhibaanada ay leeyihiin go’aanka wasiirka loogu diidayo codsigiisa iyo haddii ay u ogolaanayaan.

Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa markii dambe cod geliyay codsiga wasiirka arimaha dastuurka oo ah in loo  ogolaado in waqtiga loo kordhiny,85-Xildhibaan ayaa diiday codsiga wasiirka, halka 71-Xildhibaan  ay ogolaadeen, waxaana ka aamusay sadex mudane.

Guddoonka golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa arintan u xil saaray gudiga joogtada ah ee golaha u qaabilsan dastuurka in ay go’aan ka soo saaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS...

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...