Ciidamada qalabka sida oo AMISOM kala wareegidoona Amniga guud ee dalka

Date:

Kulankan oo mudo shan Cisha ah Ka soconayey Magaalada muqdisho  una dhaxeeyey  Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Looga hadlayey sidii  Ciidamada AMISOM ay u baneyn Lahaayeen Goobaha Ay fariisimaha ay Ku leeyihiin ee shabaab Lagala wareegey laguna wareejin Lahaa Ciidamada dowlada Federalka.

Kulanka Ayaa waxaa Goob joog Ka Ahaa wasiirka wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Safiirka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,  Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka, Saraakiisah AMISOM iyo Saraakiil Kale oo Ka socdey Wadamad Ciidamada ka Joogaan Soomaaliya.

Labada dhinac Dowlada iyo AMISOM Ayaa waxa ay shirkaasi Heshiis Ku kala saxiixdeen in Amisom Ay Ka Guurto Goobaha Qaar Ee Fariisimaha Ay Ku leeyihiin Dalka Laguna Wareejiyo Ciidanka Xooga Dalka Si dib Loogu soo Celiyo Adeegyada Bulshada, iyo in Amisom iyo Dowlada soomaaliyeedba Ay uga Wada shaqeyn Lahaayeen Iskaashiga La dagaalanka Argagixisada Al-shabaab.

Kulanka Markii Uu soo Idlaadey Ayaa Warbaahinta Qaranka waxaa u faafaahiyey Waxyaabihii Kulanka Ka soo Baxey Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Mudane C/rashiid  C/laahi Axmed.

Wakiilka Midowga ee Soomaaliya Faransisco Maddera  ayaa ka hadlay ahmiyada Shirka uu u leeyahay AMISOM iyo Soomaaliya   “Muhiimada ugu weyn waxa ay ahayd  adkeynta ammniga inaga oo ka shaqeyneyna maskaxda iyo fulinta qodobadii kasoo baxay Shirkii london ee dib u dhiska Ciidamada Qaranka , iyada oo la is waafajinayo go’aanada lana dhageysano soo jeedinta QM.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...