Ciidamada qalabka sida oo AMISOM kala wareegidoona Amniga guud ee dalka

Date:

Kulankan oo mudo shan Cisha ah Ka soconayey Magaalada muqdisho  una dhaxeeyey  Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Looga hadlayey sidii  Ciidamada AMISOM ay u baneyn Lahaayeen Goobaha Ay fariisimaha ay Ku leeyihiin ee shabaab Lagala wareegey laguna wareejin Lahaa Ciidamada dowlada Federalka.

Kulanka Ayaa waxaa Goob joog Ka Ahaa wasiirka wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Safiirka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,  Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka, Saraakiisah AMISOM iyo Saraakiil Kale oo Ka socdey Wadamad Ciidamada ka Joogaan Soomaaliya.

Labada dhinac Dowlada iyo AMISOM Ayaa waxa ay shirkaasi Heshiis Ku kala saxiixdeen in Amisom Ay Ka Guurto Goobaha Qaar Ee Fariisimaha Ay Ku leeyihiin Dalka Laguna Wareejiyo Ciidanka Xooga Dalka Si dib Loogu soo Celiyo Adeegyada Bulshada, iyo in Amisom iyo Dowlada soomaaliyeedba Ay uga Wada shaqeyn Lahaayeen Iskaashiga La dagaalanka Argagixisada Al-shabaab.

Kulanka Markii Uu soo Idlaadey Ayaa Warbaahinta Qaranka waxaa u faafaahiyey Waxyaabihii Kulanka Ka soo Baxey Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Mudane C/rashiid  C/laahi Axmed.

Wakiilka Midowga ee Soomaaliya Faransisco Maddera  ayaa ka hadlay ahmiyada Shirka uu u leeyahay AMISOM iyo Soomaaliya   “Muhiimada ugu weyn waxa ay ahayd  adkeynta ammniga inaga oo ka shaqeyneyna maskaxda iyo fulinta qodobadii kasoo baxay Shirkii london ee dib u dhiska Ciidamada Qaranka , iyada oo la is waafajinayo go’aanada lana dhageysano soo jeedinta QM.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...