Wasiirka Awqaafta Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya oola kulmay Wasiirka Xajka Sacuudiโ€

Date:

Wasiirka Awqaafta Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali iyo wafdi uu hogaaminayay uu kamid yahay Agaasimaha Guud Wasaaradda Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis ayaa qaabilay Wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dalka Boqortooyada Sacuudiga aan walaalaha nahay Dr. Maxamed Saalax Bin Daahir.

Inta ay labada wasiir wada joogeen waxey ka wada hadleen Xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeyo labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa, si gaar ah waxey ka wada hadleen Arrimaha khuseeyo Xajka, kulankan oo ka dhacay Jidda, Sacuudiga, manta oo ah khamiis.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu ku nuux nuuxsaday sida Xukuumadda Boqorka Sacuudiga ay ugu dadaasho xujeyda iyo adeegyada lasiiyo, si loo fududeeyo arrimaha Xajka xujeyda na ugu gutaan Cibaadadooda sida ugu raaxada badan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha XaDiinta XFS Xildh, Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali ayaa bogaadiyay dadaallada weyn ay Xukuumadda Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin Cabdilcasiis iyo Dhaxal Sugaha ay ku bixiyaan mar waliba sidii Xujeyda u heli lahaayeen Adeegyada ugu wanaagsan. Waxuu Wasiirka ammaanay horumarka ay ka sameysay Wasaaradda Xajka Sacuudiga dhanka adeegyada iyo Tiknooloojiyada Xajka.

labada wasiir waxay isla qaateen in la wanaajiyo adeegyada xajka iyo cumrada loo qabto Xujeyda Soomaalida sida Gaadiidka Cirka, Gaadiidka Dhulka (BASASKA), Deegaanka Xujeyda, iyo Cunnada lasiiyo xujeyda inta lagu guda jiro xilliga xajka.

Labada wasiir waxey ku ballamen in lasiiyo xujeyda Soomaalida mudnaan gaar ah, si xujeyda Soomaalida ugu gutaan Xajkooda si nabad ah oo wanaagsan, Wasaaradda xajka na waxey ballanqaaday in ay u fududeyn doonto xujeyda adeegyada ay u baahanyihiin.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu guddoonsiiyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya hadiyad qaali ah sida ka muuqataba Sawirada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...