Ra’isulwasaraha Soomaaliya isboortigu waa mideeyaha Bulshada iyo Madaxda Dalka”

Date:

Waxaa dhallinyaro soomaaliyeed oo ku nool degmada wadajir u suuro gashay inay kubad la dheelaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda waxaana ka mid ahaa Ra’iisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya , Ra’iisul-wasare ku xigeenka Dalka, xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyadoo si aaan caadi hayn kubada ay isugu dhiib dhiibayeen Ra’isulwasaaraha iyo dhalinyarada uu la ciyaarayey.

Intaas ka dib ayaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay ku da daali doonto hir-galinta Garoomo lagu ciyaaro kubada cagta si loo helo ciyaar yahano Dalku yeelo kuwaas oo mustaqbalka u dheeli doona Qaranka Soomaaliyeed.

“Aad ayey inoo farxad galinaysaa inaan la kulano dhallinyaro u heelan hormarinta isboortiga iyo ka shaqaynta is dhex galka bulshada mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida ay ogo ‘an tahay  hirgalinta hamiga dhalinyarada.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii uu la dheelay ku badda cagta Ra,isulwasaaraha ayaa dhankooda  sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin isdhex galka iyo dhiiro galinta  Ra’isul wasaaraha iyo madaxda la socotaay u sameeyeen dhallinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...