Daawo Sawirro Bilicda Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Date:

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalkeenna waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey si xowli ah uga socnayey dib u dhis xoogan kaasi oo lagu sameynayo dhismay bilicdooda marka ay indha haagu ay qabtaan aad kuu soojiidanaya.

Magaalada waxaa laga hirgeliyey dhismooyin aad u tirabadan waxaana dhismooyinkaasi ay isugu jiran guryo ay dadkii lahaa dib u dhis ku sameysteen waloow ay dadkaasi u badan yihiin dad ka Qurbajoogta ah taasi oo kudhalisay markii ay u muuqatay isbedelka nabadeed ee Caasimadda soomaaliya kahirgashay ayay ku dhiiradeen iney guryahoodii ka bur buray dib u dhistaan talaabadaasina waxey qeyb weyn ka qaadatay in durbaba magaalada Muqdisho laga dareemo isbedel dhanka bilicda ah.

Dib u dhiska magaalada ka jir kuma koobna oo qura guryaha oo dib u dhis lagu sameey hoteelada balse waxaa sidoo kale iyana dib loo dhisayaa wadooyinkii bur buray ayadoo dib u dhiska laamiyadana ay fulinayaan dowladdo Soomaaliya saaxiibo dhow la ah oo ay ugu horeeyaan dawlada Turkiga.

Waxaa xusid mudan in dhismooyinkaasi magaalada kusoo kordhay ay wehliyaan sidoo kale garoono caalami ah oo ay dhalintu ku ciyaarto kubada cagta iyo isticmaalka gaadiidka yaryar iyo kuwa waawayn oo iyana magaalada si aad ah ugusoo batay waxaadna mararka qaar la kulmeysaa wadooyin u xirma gaadiidka tarada badan aawgood.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...