Ra’iisul Wasaaraha oo ku booriyay shaqaalaha rayidka ee dowladda inay gutaan waajibaadka loo idmaday

Date:

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku booriyay  Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda inay gutaan waajibaadka loo idmaday.

Mudane Xasan Cali Qeyre oo shaley aheyd kulan gaar ah la qaatay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladdu ay Xuquuqda shaqaalaha iyo mushaaraadkooda xil gaar ah iska saari doonto, sidoo kalena looga baahanyahey dhankooda iney kaso baxaan dar dar galinta iyo habsami u socodka u adeeggidda bulshada.

“Waajibkeena waxa uu yahay inaad heshaan xaquuqdiina, idinkana waxaa la idinka raba inaad ka soo baxdaan waajibkiina, waxaan shacabka u sheegnay in Aniga iyo Madaxweynaha aan ku dadaali doono in qofkasta oo u shaqeeya dowladda uu heli doono mushaar, laakiin qofka helaya mushaarka waa qof u shaqeeyay dowladda, marka waxaa la idinka rabaa inaad shaqada waqtigeeda lagu yimaado oo aad u adeegtaan bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in dowladdu ay la dagaalameyso musuq maasuqa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...