Madaxweynaha oo guddi xaqiiqo raadin ah u saaray shaqaaqo shalay ka dhacay Muqdisho

Date:

Shirka Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagaga hadlay Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Taliye Saacid  oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Kormeerka kaddib waxaa si wada jir ah ula hadlay warbaahinta talis-yada Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milatariga oo ku tilmaamay dhacdadaan mid fool xun oo laga xumaado, iyaga oo  xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dhammaan dadkii ku lug lahaa falkan.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka ah Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sahilka dhacay uusan saamayn ku yeelan doonin howl-galladii lagu xasilinaayey magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidankooda.
Taliyaha Booliska Jeneraal Saacid waxa uu sheegay in Boolisku ay haatan baaraayaan sida ay wax u dhaceen iyo cidda ku lug leh.
Waxa uuna intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan ay usoo gudbinaayaan Natiijada baaritaanka iyo in caddaaladda la hor keenidoono dhammaan dambiilayaasha kiiskaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...