Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo ka shiray horumarinta xiriirka labada dal

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda F. Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa galabta magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya Amino. iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada wasiir kulanka kaddib ayeey ku sheegeen in shirkooda uu dabasocday heshiiskii labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay Nairobi ku gaareen bishii Marso ee sanadkan, kaasoo ku saabsanaa, socdaalka, ganacsiga, isu furidda xuduudda labada dal iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkeenna Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa sheegay in guddi labada dal ah ay ka shaqeyndoonaan dhaqangelinta heshiiski labada madaxweyne, wuxuuna intaasi ku daray in labada dalba ay isku aragti ka yihiin hirgelinta heshiiskaasi.

Si kastaba ha ahaatee kulankaasi ayaa muujinaya sida labada dowladood ee deriska ah wa Soomaaliya iyo Kenya ay uga go’antahay hagaajinta xiriirkooda. iyagoo iska kaashanaya dhinacyada ammaanka ganacsiga, socdaalka iyo arrimo kale oo muhiim u ah shucuubta labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...