Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta Xagjirnimada Oo Lagu Qabtay Wadajir

Date:

Kulan dadweyne oo ku saabsan sida maamulka iyo shacabku isaga kaashalahaa ka hortagga falalka argagixisada Al-shabaab oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada, Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir iyo Xubno matalayay Culimada Soomaaliyeed.

Kulanka oo qeyb ka ah Barnaamijyo Wacyigalinta Bulshada ee ka hortagga fikirka Xagjirnimada looguna talagalay in lagu baahiyo 17 degmo ee gobalka Banaadir ayaa hal ku dhiggiisu yahay “Ha qarsan dhagarqabayaasha Shabaab kuna wargali Maamulka iyo Ciidamada Amniga Qof kasta oo aad uga shakiso in uu yahay Al-shabaab”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Wadajir Aamina Cabdulle Maxamed Oo kamid aheyd dadkii ka badbaaday qaraxii Argagixisada Alshabaab ay ka geysteen Xarunta dagmadaasi ayaa la ilmeysay sida xaqdarrada ah ee lagu xasuuqay dadweyne aan waxba galabsan oo u soo shaqo tagay dagmada, kuwaas oo iyagoo Sooman qaarkoodna ay saf ugu jireen Wasoqaadashada Salaadda Duhur la xasuuqay.

“Qaraxa 20 Jun ka dhacay xarunta Degmada wuxuu igu reebay tiiraanyo ii gaar ah, waan weyseesanayay, wiil kamid ahaa dhallinyaradii shihiiday ayaa markaas i dhahay hooyo caaga markaa weysada dhameysato isii waan ku weysaqaadaneynaa, Allaha u naxariisto dhammaantood, fikir xagjirnimo ah ayaa dadkaas oo dhan lagu laayay” ayay tiri hooyo Aamina.

Sh Cabdullaahi Axmed Garruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa kulanka ka sheegay in bulshadu uu waajir diini ah ka saaranyahay in laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaaan sudiida Amniga, isagoo bulshada goobta joogtay Xasuusiyay sida uu Alle wax walba uga fadilay dhiigga qofka Muslimka ah oo xaqdarro loo daadiyo.

”Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (RC) Inuu yiri Rasuulka Illahay (scw) Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:-Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta, Kii qof muslim ah dila, Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sheekh Garruun oo sharaxista Xadiiska siiwata ayaa yiri ”Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga gof ka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maalintii ay dalka ku soo laabatay degmada Wadajir ay aheyd degmada ugu nabadgalyada badan magaalada Muqdisho, balse maanta ay dagmada ka jirto amni xumi taasina looga bixi karo marka bulshadu ka xuroobaan cabsida kooxaha xagjirka ah ayna la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

“Reer Wadajir waxaa la idinka rabaa in aad la timaadaan isbadal muuqda oo aad soo gudbisaan kuwa idinku dhex dhuumanaya ee maalin kasta usoo tagan in ay mid mid idiin beegsadaan, laamaha ammaankana waxaa laga rabaa in ay damaanadqaadaan amniga dadka ku dhiirada in ay soo sheegaan goobaha ay cadawgu ku dhuumaaleysanayaan” ayay tiri Jawaahir

Qaar kamid ah Bilshada ka qeybgalay Kulanka Dadweyne ayaa Ballanqaaday in ay la shaqeynayaa laamanaha Ammaanka, iyagoo bogaadiyay barnaamijka wacyigalinta Bulshada ee maanta lagu qabtay degmada Wadajir.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan oo kulanka Soo Gunaanaday ayaa xusay in kulankaan wacyigalinta bulshada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay hormarinta Amniga degmada Wadjir, Wuxuuna xusay loo baahanyahay in si wadajir ah ay gacmaha isku qabsadaan bulshada deegaanka iyo laamaha amniga si meesha looga saaro kooxaha xambaarsan fikirka qatarta ah ee Xagjirnimo.

“Hadda wey fiicantahay isku xirnaanta bulshada, maamulka degmada iyo laamaha ammaanka, dadku wey baqayeen markii hore laakiin hadda markii ay ogaadeen in kooxaha argagixisada alshabaab in aysan cidna u aabayeeleynin wuu isbadalay dareenka iyo fahamka bulshada ee arrintaas ku saabsan, anagana waxaan idiin ballanqaadeynaa in aan habeen iyo maalin idin garab taaganaano” ayuu yiri Guddoomiye Cumar.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xaruntii dagmada ay burburiyeen kooxaha argagixisada ayna ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxbagalabsan, haddii aan loo midoobin oo aan lasoo gudbin kuwa xagjirka ah waxaa dhaceysa in maalin walba nala dilo ama nala qarxiyo.\

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...