Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday xarumihii ay lahayd Wasaaradda

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ay wehlinayeen Agaaismaha guud ee Wasaardda iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka ayaa kormeer ku tagay Xaruntii Talefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo kutaala xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo hada qeybo kamid ah ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo Wasaaraddu qorsheyneyso in dib loo dhiso xaruntaasi.

Wasiirka Warfaafinta iyo agaasimayaasha oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid ayaa kormeeray dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, iyagoo u kuur galayay sida loo wajihi karo dib u dhiska xarunta.

Shir jaraa’id oo kormeerka kaddib ay siwadajir ah u qabteen Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ayaaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Geedow waxa uu ka sheegay in ka maamul ahaan ay Wasaaradda la garab taagan yihiin dadaal kasta oo dib loogu howlgelinayo xaruntii Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xusay in mas’uuliyiinta Wasaaradda ay xoogga saarayaan sidii Telefishinka Qaranka uu ugu guuri lahaa xaruntiisi hore oo u baahan dayactir iyo dib u dhis.

Telefisnka Qaranka Soomaaliyeed oo la aas aasay 1983-kii ayaa xaruntiisa waxa ay ku taalaa xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshid ee Gobolka Benaadir, waxayna u baahan tahay xaruntaasi dayactir, iyadoo hadda Telefishinka uu si KMG ah ugu shaqeeya xarunta Radio Muqdisho codka Jmahuuriyadda Soomaaliya.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa sidoo kale booqday Carwadii hore ee degmada Hodan iyo meelo kale si dib loo howlgeliyo xarumihii ay lahayd Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, halkaasi oo ay kula kulmeen Guddoomiyaha degmada Hodan.

 

Sawir Qaade:- Qeys Cali Shire

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...