R/wasaare Khayrre “Haddii aan rabno in aan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu magac daray kulanka madaxda sare iyo shaqaalaha dawladda oo lagu soo bandhigayey wax-qabadka shaqaalaha iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa madaxdooda, sidoo kalena waxaa looga hadlayay xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha. Waxaana munaasabadda goob-joog ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Shaqaalaha dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galka kulan-kan muhiimka ah, ayaa ku dhaaraaday dhibaatadii iyo daruufahii adkaa ee lagu soo shaqeeyay, iyadoo aysan horey u heli jirin shaqaaluhu xaquuq joogta ah.

“Waxaan ognahay inaad dalkaan ugu soo shaqeyseen duruufo adag, iyadoo aan la mari karin jidadka amni xumo awgeed, waxaan dareen sanahay qaar kiin inaad soo shaqeyseen iyadoo laga faano dawladda, balse ugu dambeyn waxaad soo gaarteen inaad shaqaysaan, idinkoo ku faanaya shaqada aad qarankiina u haysaan”

“Hadii aan rabno inaan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda, bulsho kastana sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayaa lagu qiimeeyaa, taasina waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan” ayuu yiri raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu qaaday jidkii horumarka, taasina ay keentay in ay dib-u-soo noqoto sharaftii Soomaaliya ku lahayd adduunka. Wuxuuna faray in qof walba looga baahan yahay in uu ka soo hor-jeesto musuq-maasuqa, si loo helo sinnaan iyo caddalad, dalkuna u gaaro horumarka uu higsanayo.

“Haddii aan ku guuleysanay in aan bixinno mushaarka shaqaalaha mudadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in bil walba heli doono xuquuqdiisa, isna laga rabo shaqo dheeraad ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Kulanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....