Wasiir Beyle oo sheegey in dib loo dhisayo xarumihii wasaaradda

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiir ku xigeenka mudane Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa saaka boqosho ku tagay qaar ka mid ah xarumihii Wasaaraddu ay  lahayd Dagmooyinka Xamarweyn iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Ujeedad kormeerka mas’uuliyiintani ay ku tageen xarumihii hore ee wasaaradda maaliyadda ayaa ah sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya dib u dhis lagu sameeyo xarumahaasi.

Xarumahaan oo ahaa Laamihii Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda ayaa qaarkood  laga saaray dadkii daganaa halka qaar kalana bur bur xoogan uu ka muuqdo.

Wasiirka ayaa sheegay in Xarumaha hada gacanta dowladda ku soo noqday lagu samaynayo dayactir si loogu qabto adeegyadii shacabka loo hayey.

“Xarumihii ay lahayd wasaaradda maaliyadda ee hadda gacanta Dowladda ku soo noqday waxaa lagu sameynayaa dayactir, si loogu qabto adeegyada muhiimka ah ee wasaaraddu ay u hayso shacabka”ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya aya wadad dadaalo ku aadan sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan xarumihii ay ku lahayd dalka si loogu qabto adeegyada muhiimka ah, waxaa dhawaan lagu guuleystay in dib loo dhiso xaruntii weynayd ee wasaaradasi oo kutaala ka so horjeedka Bankiga Dhexe ee degmada Shingaani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...