Ciidamada XDS, kuwa Jubbaland iyo AMISOM oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada Kulbiyoow

Date:

Ciidamada XDS oo ay wehliyaan kuwa Jubbaland iyo AMISOM ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab waxa ay ka billaabeen deegaanka Kulbiyow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ciidamada Jubbaland ee Kulbiyoow Maxamed Cabdi Qabbaan ayaa VOA u sheegay in howlgalkaasi uu haatan si xowli ah uga socdo deegaankaasi, isagoo xusay in ujeeddada howlgalkaasi yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta Kulbiyoow.

“Ujeeddadeenu waa in aan maleeshiyaadka Shabaab ka xoreyno deegaanka Kulbiyoow, waxaanna ku rajo weynnahay inaan saacaadaha soo socda si buuxdo ula wareegno gacan ku heynta Kulbiyoow ” ayuu yiri Maxamed Cabdi Qabbaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray in dagaalkani uu qeyb ka yahay howlgallo qorsheysan oo maleeshiyadka Shabaab looga sifeynayo deegaannada Jubbooyinka, wuxuuna tilmaamay in dadkii degganaa deegaanka Kulbiyoow ay badankood u qaxeen ama u carareen magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan oo sii hadlay ayaa tibaaxay ineysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray ciidamada inta uu socday dagaalka lagu xoreynayo deegaanka Kulbiyoow, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in qasaare xoog leh ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Shabaab,  walloow uusan caddeynin nooca qasaarahaasi, laakiin wuxuu ballan qaaday in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray maleeshiyaadka Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...