U qaabilsanaha Arrimaha Soomaaliya Filand ayaa la kulmay Soomaalida haysata Sharciyada Dalkaas (Daawo Muuqaal)

Date:

Kulankaan  uu maanta la qaatay Xogayaha u qaabilsan arrimaha Soomaaliya wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Filand  qaar ka mid ah Soomaalida haysata Sharciyada Dalka Filand ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay  ka mid yihiin caqabadaha haysta iyo baahiyaha ay qabaan jaalliyada Soomaaliyeed.

Intii uu kulanka uu socday ayaa laysku dhaafsaday talooyin,figrado ku qotama baahiyaha, caqabadaha heysta jaaliyada iyo qaabka loga guddbi karo waxayna jaaliyadu inta badan ay ku celceliyeen iney baahi weyn u qabaan hirgilinta xafiis cusub oo logu adeego Dadka heysta sharciga dalka filand.

Waakan Drs mulki Cilmi Rooble oo ka mid ah jaaliyada heysata shariciga Dalka filan ayaa ugu horeyn madasha kulnka hadal ka jeydisay ayaa sharaxaad ka bixisay booqashada maanta uu soo booqday xogayaha iyo waxyaabihi ay kala hadleen xogayaha.

Mr Toni Sinder xogayah u qaabilsanaha arimaha soomaaliya ee wasaarada arimaha dibada ee Dalka filan oo ugu danbeyntii kulankaasi hadal ka jeydiyay ayaa balan qaaday inuu horgeyndoono dhamaan warbixnida ay usoo bandhigeyn Qurba-joogta Soomaaliyeed madaxda filand.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....