Maleeshiyada Shabaab oo lacago baad ah ku soo daayay 7 shaqaale gar gaar oo duledka Baydhabo ay ku afduubteen

Date:

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaareen 7 kamid ah shaqaale gar gaar oo ay horey u afduubteen maleeshiyaadka Shabaab gelinkii dambe ee Isniintii.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee magaalada Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa soo sheegaya in dadkaasi la afduubtay laga qaatay lacago baad ah oo gaaraya min 4000 kun oo dollar.

Shaqaalahaasi oo muddo todobaad ah ay gacanta ugu jireen koxda SHabaab aya isugu jiray 3 dumar ah, iyo 4 rag ah oo uu kujiray darawalkii waday gaarigii ay la socdeen, waxayna  u shaqeynayeen  hay’adda Gareedo oo ka shaqeysa arrimaha samafalka deegaanadaasi.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta hay’adaasi ee la xiriira dhacdadaasi, balse warar ka madax banana oo ay heleyso SONNA ayaa sheegaya in lacago baad ah laga qaatay dadkaasi la afduubtay.

Deegaanka Deynuunaay oo qayaas ahaantii 30 ilaa 25 KM dhanka Bari kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa laga afduubtay shaqalaahasi xili ay ku guda jireen howlo hoodi shaqo ee dhinaca samafalka.

W/Q Cali C/qaadir Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...