Guddoomiye ku-xigeenka 1aaad ee golaha shacabka oo daah furay xarunta Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha

Date:

Daah furka xarunta Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya, xubno ka socday Guddiga Qaran ee shaqaalaha Rayidka iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Hakish iyo TIKA oo gacan ka geystay dhismaha xaruntan.

Guddoomiyaha Xiriirka Guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa tilmaamay in xaruntan ahmiyad gaar ah u leedahay guud ahaa shaqaalaha Soomaaliyeed, in la hirgaliyana ay tahay talaabo wanaagsan.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha dalka Turkiga ee kaalinta ku lahaa dhismaha xarunta Xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ku booriyey Madaxda xiriirka iney ka shaqeeyaan isku xirka guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed, si loo abuuro fursado shaqo oo dhallinyaradu ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in xaruntan ay kaalin ka qaadaneyso in la helo shaqaale tababbaran, dowladuna ay ka shaqeneyso in la sameeyo qorshe shaqo abuur ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Cabdiwweli Sheakh Ibraahim Muudey ayaa u mahad celiyey hay’daha dalka Turkiga ee gacanta ka geystay hirgelinta xarunta xiriirka guud ee shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu Madaxda Xiriirka guud ee shaqaalaha ku booriyay inay u adeegaan bulshadooda oo ay gacan ka geystaan sidii shaqaalaha loo tayayn lahaa xagga aqoontooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...