Guddiga Amniga Badaha oo yeeshay Kulan muhiim ah

Date:

Muqdisho, July 25, 2017….Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badaheena. Guddigan oo loo sameeyey in xiriir joogto ah la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha badda ayaa bishii hal-mar kulan ku yeesha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxana kulanka ka soo qeyb galay lix Wasaaradood oo ay khuseyso arrimaha badaha, sida, Wasaaradda Kaluumeysiga, Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Dibedda, Maaliyadda, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo wafdi ka socday Maamul Goboleedyada oo si dhow ula socda xaaladda badaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Kuluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in la samaynayo sharcigii lagu dhisi lahaa ciidanka ilaaliya xeebaha oo loo yaqaan (Goast Guard) iyo sidii wax looga qaban lahaa sharci darada looga kaluumeysto xeebaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirkan looga hadlay xoojinta hay’addaha Garsoorka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in kulankan uu hor-u-dhac u yahay shir kale oo ka dhici doona dalka Uganda, oo looga hadlayo amniga baddaha Soomaaliya, kasoo ay ka qayb galayaan dhammaan maamul Goboleedyada iyo madax ka socota dawladda dhaxe. Sidoo kalena waxaa lagu marti qaaday beesha caalamka sidii ay hay’addaha dhaqaalaha bixiya u taageeri lahaayeen qaabka loo sugayo amniga dalka iyo kan badaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...