Guddiga Amniga Badaha oo yeeshay Kulan muhiim ah

Date:

Muqdisho, July 25, 2017….Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badaheena. Guddigan oo loo sameeyey in xiriir joogto ah la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha badda ayaa bishii hal-mar kulan ku yeesha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxana kulanka ka soo qeyb galay lix Wasaaradood oo ay khuseyso arrimaha badaha, sida, Wasaaradda Kaluumeysiga, Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Dibedda, Maaliyadda, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo wafdi ka socday Maamul Goboleedyada oo si dhow ula socda xaaladda badaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Kuluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in la samaynayo sharcigii lagu dhisi lahaa ciidanka ilaaliya xeebaha oo loo yaqaan (Goast Guard) iyo sidii wax looga qaban lahaa sharci darada looga kaluumeysto xeebaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirkan looga hadlay xoojinta hay’addaha Garsoorka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in kulankan uu hor-u-dhac u yahay shir kale oo ka dhici doona dalka Uganda, oo looga hadlayo amniga baddaha Soomaaliya, kasoo ay ka qayb galayaan dhammaan maamul Goboleedyada iyo madax ka socota dawladda dhaxe. Sidoo kalena waxaa lagu marti qaaday beesha caalamka sidii ay hay’addaha dhaqaalaha bixiya u taageeri lahaayeen qaabka loo sugayo amniga dalka iyo kan badaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...