Ileysku waa mid kamid ah waxyaabaha mucjisada ah ee lala abuuray dunida,isla markaana uusan sinaba uga maarmin aadanuhu,waxaana xilli kasta barbar socday hindisaha iftiin ย dad samee ah oo ka dhashay horumarka uu dadku ย ku tallaabsaday mudada fog ee uu jiray.
Marka laga yimaado ileyska dabiiciga ah sida cadceedda iyo dayaxa ee uu Alle ku qurxiyay dunida,waxaa kaloo jira ileys kale oo laga dhaliyo qoraxda iyo kuwo ku shaqeeya aaladaha korontada ee isticmaala mishiinada,kuwaas oo lagama maarmaan u ah nolosha dadka,gaar ahaan sugidda nabadgelyada iyo waxyaabaha kaleย oo ku tiirsan dhaqdhaqaaqa bulsgada iyo gaadiidka.
Haddaba,Maxay tahay sababaha kallifay in laga seexdo dayactirka iyo habeynta Nalaka iyo tiirarka baalayaasha ah ee suran wadooyinka magaalada ,yeeyse sugayaan in ay u istaagaan howlahaasi?.
Wadooyinka oo ah halbowlaha ama lafdhabarka ay bulshadu u maraan adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha iyo kuwo kale oo aan looga maarmin habsami u socodka howlaha dowladnimo ,waxaa xilligaan qaar badan ka muuqda dayactir laโaan soo wajahday dhanka nalalka ama leyrarka ,kadib muddo dhowr sano ah oo ka soo wareegatay markii jidadka Muqdisho lagu xiray tiirarka ama baalayaasha ku shaqeeya ileyska cadceedda.
Qeybo kamid ah waddooyinka ย u dhaxeysa dekedda iyo Nambar afar, wadnaha, fagax iyo kuwo kale,ayaa ah jidadka ugu daran ee u baahan dayactirka nalalka iyo tiirarka, kuwaas,oo haddii lagu guuleysto dhameystirka adeegyada ka maqan ay hubaal tahay in ay yaraanayaan tuugada iyo kooxaha kale ee ku kaca falalka dhibaateeya dadweynaha.
Quruxda magaalo waxaa aasaas u ahย wadooyin waasac ah oo lagu suntay nalal ama leyrar,taasoo ย ka qeyb qaadan karta ย bilicda,gaar ahaan waqtigaan oo shacabku ay daneynayaan in la soo celiyo karaamadii ay lahaan jirtay caasimadda. ,waxaana waajib ah in laga shaqeeyo sidii loo suurtagelin lahaa soo nooleynta aaladaha wax ifiya ee ku xiran dhaqdhaqaaqyada saacida nolosha .
Dhanka kale iftiinka ayaa ah mid gacan ka geysan kara sugidda nabadgelyada,gaar ahaan xilliyada habeenkii oo la tilmaamo in ay soo ifbaxaan tacadiyada lala beegsado dadweynaha iyo ciidamadaย ,waxaana iska cad in dayactirka leyrarka aan sinaba looga maarmin howlgalada lagu baacsanaayo cid kasta oo faraha la gasha falal xasilooni darrro ah.
Waan ognahay in ay maqan yihiin adeegyo badan,isla markaana dayactirka nalaka ku shaqeeya Cadceedda & sugidda amnigu ay yihiin kuwo iskaabaya oo u baahanWaddooyin dhisan oo leh adeegyadii aasaasiga ahaa, balse waxaaย jira dhalliil xagga shaqada ah oo ย ku aadan waxqabadkadowladda.
Waxaa ย habboonย in magaalada Muqdisho ay muraayad u noqoto ย magaalooyinka kale ee dalka,balsea ma aha in Mugdi fara badan uu kaย muuqdo ,waaana in xoogga la saaro dayactirka wadooyinka ย waaweyn,isla markaanaย lagu qurxiyo aaladaha wax ifiya ,kuwaas oo gacan ka geysan karav fududeynta socodka gawaarida iyo kan dadweynaha.
Amni sugan waxa uu ka dambeeyaa magaalo shidan oo ay ka muuqdaan bilicda ay keenaan leyrarka,taasina waa howl ย muhiim ah inta badan looga fadhiyo in ay ku dhaqaaqdo dowladda si loo helo adeegyada iskaabaya ee dayactirka iyo sugidda nabadgelyada.
Waa ย wax iska fudud in lagu dhaqaaqi karo wax kasta oo loo arko in ay keenayaan ย barnaamijyo horumar ah,balse waxa ay u baahan tahay in laga dhabeeyo,isla markaana lagu ย sameeyoย dabagal si loo gaaro yoolka ama hadafka ah in lagu guuleysto barnaamijyadaasi loo arkay kuwo miro dhal ah oo kaabaya adeegyada bulshada.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye
