Saraakiil UNDP ka socotay oo gaaray Cadaado (Daawo Muuqaal)

Date:

Wefdigan maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug oo ka socday hey’adda horumarinta barnaamijyada Qaramada midoobay ee UNDP ayaa waxaa madaxtooyada Galmudug kulan kula yeesheen madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in u jeedada wefdigan ay tahay sidii qiimeyn ugu sameyn lahaayeen saameynta abaarta ku dhufatay deegaanada Galmudug iyo sidii maamulka ugu gacansiin lahaayeen barnaamijyada horumarinta.

“Wefdigan waxaa ay u kuurgalayaan xaaladaha abaaraha, caafimaadka iyo arimaha horumarinta deegaanada Galmudug, sida aad la socotaan Galmudug waxaa ku dhufatay abaar xoogan.. hey’addaha iyo dowladuba waxaa ay la tacaaleyaan sidii dadka loogu gurman lahaa,” ayuu yiri agaasimaha.

Maxamuud Cismaan, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada, Galmudug ayaa sidoo kale, sheegay saraakiishan ka socotay hey’adda Qaramada midoobay ee UNDP uu qeyb ka yahay qorshaha loogu gurmanayo dadka abaartu saameysay ee deegaanada Galmudug ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...