Golaha shacabka oo dib u celiyay sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa (Daawo Muuqaal)

Date:

Kalfadhiga Labaad kulankiisa afaraad ee mudaniyaasha golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiirka Cadaaladda ee xukuumadda federaalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa xildhibaanada akhriyay qodobada lagama maarmaanka u ah in ay ama ay ka muuqdaan hindise sharciyeed walba oo la hor keenaayo golaha shacabka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa soo jeediyay in maadaamaa sharcigan qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin loo baahan yahay in dib loogu celiyo wasaaradda si loo dhameystiro.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka  mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in sharcigan uu u baahan yahay in lagu soo daro qodobada ka maqan isla markaana wasaaraddu dib loogu celiyay hindise sharciyeedka la- dagaalanka musuq maasuqa.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi oo ah guddoomiyaha gudiga dib-u-heshiisinta ee ee golaha shacabka ayaa sheegay in dagaal beeleedyo dhibaatooyin badan dhaliyay ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka,wuxuuna ku baaqay in dagaaladaasi la jooiyo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudoonka golaha shacabka uu ku baaqaayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

Budapest, Hungary – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya...

Madaxweynaha JFS oo baaq ku aaddan Gurmadka Abaaraha u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo...