Golaha shacabka oo dib u celiyay sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa (Daawo Muuqaal)

Date:

Kalfadhiga Labaad kulankiisa afaraad ee mudaniyaasha golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiirka Cadaaladda ee xukuumadda federaalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa xildhibaanada akhriyay qodobada lagama maarmaanka u ah in ay ama ay ka muuqdaan hindise sharciyeed walba oo la hor keenaayo golaha shacabka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa soo jeediyay in maadaamaa sharcigan qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin loo baahan yahay in dib loogu celiyo wasaaradda si loo dhameystiro.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka  mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in sharcigan uu u baahan yahay in lagu soo daro qodobada ka maqan isla markaana wasaaraddu dib loogu celiyay hindise sharciyeedka la- dagaalanka musuq maasuqa.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi oo ah guddoomiyaha gudiga dib-u-heshiisinta ee ee golaha shacabka ayaa sheegay in dagaal beeleedyo dhibaatooyin badan dhaliyay ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka,wuxuuna ku baaqay in dagaaladaasi la jooiyo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudoonka golaha shacabka uu ku baaqaayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...