Madaxweynaha Turkiga oo la filayo in uu safar xal raadin ah ku bixiyo Wadamada Khaliijka

Date:

Madaxweynaha Dalka Turkiga Mudane  Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in uu wadamada Khaliijka ku bixiyo Safar labo Maalmood ah  Si u xal ugu raadiyo khilaafka u dhaxeeyo dalka Qadar iyo isbahaysiga uu sacuudiga hogaaminayo.

Madaxweyne  Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa in  uu gaaro Dalka Sacuudiga halkaasi oo uu kulamo kula Qaadan doono Boqorka Dalka Sacuudiga Salman Bin Abdi Aziz iyo  Dhaxal Sugaha boqortooyada Mohammed Bin Salman asagoo kala hadli doono sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Wadamada Khaliijka .

Erdogan ayaa intaas kadib usii safri doono dalka Kuwait oo ka mid ah wadamada uusan saameynin khilaafka Khaliijka isla markaana u taagan in uu dhax dhaxaadin iyo waan waan ka dhax sameeeyo  Wadamada Walaalaha ah ee Khilaafka ka dhaxeeyo Waxa uuna uga sii gudbi doonaa Dalka Qadar.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay maalintii Jimcaha in ay dadaalada xal raadinta ah wadi doonaan ilaa heshiis laga dhax dhigo dalalka walaalaha ah ee khilaafka ka dhaxeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...