Madaxweynaha Turkiga oo la filayo in uu safar xal raadin ah ku bixiyo Wadamada Khaliijka

Date:

Madaxweynaha Dalka Turkiga Mudane  Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in uu wadamada Khaliijka ku bixiyo Safar labo Maalmood ah  Si u xal ugu raadiyo khilaafka u dhaxeeyo dalka Qadar iyo isbahaysiga uu sacuudiga hogaaminayo.

Madaxweyne  Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa in  uu gaaro Dalka Sacuudiga halkaasi oo uu kulamo kula Qaadan doono Boqorka Dalka Sacuudiga Salman Bin Abdi Aziz iyo  Dhaxal Sugaha boqortooyada Mohammed Bin Salman asagoo kala hadli doono sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Wadamada Khaliijka .

Erdogan ayaa intaas kadib usii safri doono dalka Kuwait oo ka mid ah wadamada uusan saameynin khilaafka Khaliijka isla markaana u taagan in uu dhax dhaxaadin iyo waan waan ka dhax sameeeyo  Wadamada Walaalaha ah ee Khilaafka ka dhaxeeyo Waxa uuna uga sii gudbi doonaa Dalka Qadar.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay maalintii Jimcaha in ay dadaalada xal raadinta ah wadi doonaan ilaa heshiis laga dhax dhigo dalalka walaalaha ah ee khilaafka ka dhaxeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...