Awaamiir cusub oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya

Date:

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo ka hadlay shir saxaafadeed si wadajir ah ugu qabtay isaga iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska ayaa sheegay in go’aan ay ka soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya in taageero dhaqaale la siiyo kooxda Al-shabaab.

Wasiir Ducaale ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda argagaxisada sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah la joojiyay cidii lagu helo ay dambiile u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya.

Dhageyso codka wasiirka.

120331_001

Taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaale kala duwan ay urruada argagaxisada sida Al-shabaab soo galaan kuwaas oo loogu yeero magacyo kala duwan; sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagahaas laga qaado cid kasta oo ay dhaqaale ku tuhmaan, waxaana uu tilmaamay in ay ka war hayaan in dadka Soomaaliyeed si joogto ah caga jugleyn ugu hayaan Al-shabaab.

“Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeeno Soomaaliyeed ilaa xad ku qanacsan fekirka Al-shabaab in ay jiraan, ganacsato iyo dadka kale oo hanti leh in ay si sahlan u taakuleeyaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Dhageyso taliyaha NISA C/laahi Sanbaloolshe.

120331_001

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in laamaha amniga ee dalka ay diyaar u yihiin cidii awaamiirtan jabisa in ay sharciga hor geeyaan.

Janaraalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan in ay Al-shabaab ku garab siiyaan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Dhageyso taliyaha booliiska oo arintaas ka hadlaya.

120331_001

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...