Kulankan oo ay isugu yimaadeen Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana lagu Cambaareeyay dhibaatooyinka iyo gabood falada kale oo Israel ay ku hayso shacabka reer Falastiin, ayadoo sidoo kale, lagu xadgudbay masjidka barakaysan ee Al- Aqsa laguna dhibaateeyo shacabka aan waxba galabsan ee Falastiin.
Waxaa culimada diiradda ku saareen dowrka kaga aadan qeyla dhaanta laga muujinayo xad gudubyada ciidamada Yuhuudda ay ku hayaan shacabka reer Falastiin.
Qaar ka mid ah culimadii ka hadashay kulanka ayaa si wadajir ah u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi ayagoo ku baaqay in Israel ay joojiso gabood falkaasi.
Guddoomiyaha ha’yadda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa akhriyay bayaanka ay ka soo saareen hay’adda culimada Soomaaliyeed dhibaatooyinka Yahuudda ay ku hayaan muslimiinta reer Falastiin iyo masjidka barakeysan ee Al-Aqso, Waxay culimaddan ugu baaqeen maamulka Israel in uu joojiyo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay sameynayaan ciidamadooda.