Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Date:

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhagax dhigay masjid weyn oo laga dhisayo Aqalka Madaxtooyada Baydhabo.

Masjidkan ayaa loogu talagalay inuu u adeego madaxda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo martida booqata, isagoo qayb ka ah qorshaha horumarinta kaabeyaasha Madaxtooyada iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Gableed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismaha masjidkan uu ka tarjumayo sida ay dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada, mideynta bulshada iyo dhismaha xarumo tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Wasiirka magacaaban ee Wasaarada Warfaafinta ahna Wasiirkii Hore Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Nuur Siidow Baaba iyo wasiirka cusub Wasaarada Diinta Mudane Aadan Macalin Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah, iyagoona muujiyey rajada ay ka qabaan inuu noqdo goob lagu xoojiyo cibaadada, wacyigelinta iyo midnimada bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...