Wasiir ku xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha oo baaq u diray dhinacyada ku dagaalamay Xeraale

Date:

Wasiir ku  xigeenkii  hore Wasaaradda Xanaadada  Xoolaha marna  ahaa Xildhimaan ka tirsanaa Golaha  Shacabka Soomaaliya C/naasir Gaarane oo wareysi gaara siiyay Radio Muqdishu Codka Jahmuuriyadda  Soomaliya ayaa sheegay inay tahay mid laga xumaado Dagaalada ka dhacay magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud kuwaa soo u dhaxeeya beelo wada daga Xeraale.

C/naasir Gaarane ayaa tilmaamay in looga baahan yahay dhinacaya dirirtu u dhaxayso inay qaataan nabada iyo deganaashaha Xeraale ayna ku didaalaan in xal laga gaaro colaada sababtay dhimashada iyo  dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Wuxuu ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka galmudug Inay ka qeyb qaataan sidii loo damin lahaa colaada deegaanka Xeraale ee gobolka galgaduud taasoo dhalisay dhimasho,dhaawac iyo barakac.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray inaan loo dulqaadan karin inay gobolada kasoo cusboonaadaan Dagaalo ay dad ay  ku dhintaan maadaama Dalku u ku tilaabsaday horumar la taaban karo oo ku aadan Dowladanimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....