Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koofur Africa

Date:

Wafdi ka socday Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Feradaalka Soomaaliya iyo qaar a mid ah kuwa maamul goboleedyada oo maalmahan tabar u joogay dalka South Africa ayaa booqday safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Koonfur Afrika.

Wafdigaan oo ka goobnaa afar xubnood ayaa booqashada ay safaaradda ku yimaadeen waxaa ku wehlinayay macalimiinta siinaya tababarka muddada bisha ahayd oo ay u joogayaan dalka South Africa.

Waxaa ay booqdeen qeybaha kala duwan ee xafiisyada safaarada Soomaaliya ay ku leedahay South Africa sida ay u shaqeyso, waxaana kadib kulan gaar ah la yeeshay safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Dr Jamaal Maxamed Barrow oo kula dardaarmay in waxyaabaha ay barteen ay si wanaagsan uga faa’iideystaan marka ay dalka ku laabtaana ay khibradooda ay wax ugu qabtaan bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyarada halkaan tabbabarka u timid oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashada ay ku tegeen xarunta Safaaradda, ayna diyaar u yihiin in marka uu siminaarka u dhamaado ay bulshadooda u adeegaan.

Mid ka mid mid ah macalimiinta tababarka siinayay ardaydaan ayaa sido kale la hadlay warbaahinta Qaranka waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay tababaro siiyaan  shaqaale ka socda dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii la furay Safaaradda Soomaaliya waxaa dalka Koofur Africa imaanayay shaqaale ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar oo halkaan ku qaatay tababaro dhinacyo kala duwan ah.

 

Abduqaadir Axad Dhaqane

Pretoria-South Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...